Gudiyada Baarlamaanka PL qaarkood oo la dhagaystay warbixino

Garoowe: 30,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 4 Guddi oo kala ah.

  1. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka.
  2. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada DPL
  3. Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha.
  4. Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska $ Horumarinta Haweenka.

Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada dalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntlad


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading