Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland.
Mudane, Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo.
C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.