Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in maanta xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay mooshin ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.
Xildhibaanada maanta kulanka yeeshay ayaa waxaa ay gaarayaan 140- Xildhibaan ,waxaana 89-xildhibaan oo ka mid ah ay u Codeeyeen in Mooshinka la qabto,iyadoona mooshinkaasi uu qabtay gudoomiye xigeenka koowaad ee Baarlamaaanka galmudug Xareed Cali Xareed.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa lagu eedeeyay xil gudasho la”aan, taasina waxaa ay keentay in mooshin laga gudbiyo.
Maalinta Berri ayaa lagu wadaa in la dhageysto Doodda Mooshinka,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.