Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wefti balaaran uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Xingalool

Xingalool , Sep 17,2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Ahlxmed Siciid iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Dhahar ayaa gaarey Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.

Maamulka Degmada, odoyaasha, aqoonyahanka, haweenka, dhalinyada, ganacsatada iyo sarakiisha ciidanka ayaa ku soo dhaweeyey weftiga Degmada Xingalool.

Ujeddada safarka ayaa salka haya u kuurgelidda xaaladda guud ee deeganka, iyagoo kulamo la yeelanaya bulshada qeybaheeda kala duwan, waxayna booqashooyin ku tegayaan xarumaha dawladda, si ay xog dhammaystiran uga helaan baahiyaha deegaanka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading