Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada oo Madaxa iskula jira

40-Xildhibaan,ayaa ayiday go’aanka Maxkamada Dastuuriga ah ee laalida Mudo kororsiga Sharcidarrada ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanku Caawa,ayuu fariin ukala diray Xildhibaanada uu ugu sheegayo in ay Berri foog yimaadaan Golaha.

Fadhiga Baarlamaanka,waxaa qorshaysnayd 14-ka Bisha in uu yeesho kulankiisii ugu danbeeyay,kaasoo ay ku ansixinayaan Miisaaniyada.

Uyeerida Xildhibaanada ee Berri,waxuu uga gol leeyahay Gudoomiyaha Baarlamaanku in uu uga jawaab celiyo Maxkamada go’aankeeda,balse Xildhibaanadu,waxay leeyihiin..”Waan tagaynaa,waxaana uxaqiijinaynaa in Baarlamaankan wakhtigiisii dhamaaday oo uu kala tagay”.

Abwaan Jibril,waxa uu waxan oo idil usamaynayo,waa in Deni looga soo qaado Xubin ka mid ah Gudiga khilaafaadka,taasoo aan sinaba ku dhacayn.

Madaxweynaha PL isagaa magacaaba Gudiga si buuxda,Denina gorgortan kama galayo awoodiisa,waxuuna Gudiga shaacin doonaa Habeen danbe.

Waxaa xusid mudan Lifaaqa Doorashada lagu galayo in aan loogama baahnayn ansixin Baarlamaanka oo toos Doorashada loo aadayo.

Kala bar Xildhibaanadii cusbaa,waa soo diyaarsadeen Beelaha PL mar horaba.

https://x.com/jibril_qoobey/status/1733978363771920585?t=VIHvvII-wvr2JPOOv8cmAw&s=08

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading