Gudoomiyaha G.Wakiilada Puntland oo soo gudbiyay Xubnihii G.Doorashada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 Luulyo, 2022, soo saaray Xeer Lr. 52 kuna saabsan Sharrixid xubno Ka mid ah Guddiga Ku Meel Gaarka ah ee Doorashada Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

MARKUU ARKAY: Qodobka 64-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY: Lifaaqa 1-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

MARKUU LA TASHADAY: Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Wakiillada DPL.

MARKUU ARKAY: Aqoonta iyo waayo- aragnimadooda shaqo.

MARKUU TIX-GELIYEY: Baahida loo qabo buuxinta xubnaha banneeyey xubinnimada Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashada Puntland.

WUXUU SHARRAXAY:-

Xubnaha Guddiga KMG ee Doorashada Puntland ee hoos ku qoran:-

  1. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jaamac (Dayax)
  2. Mahad Bashir Nuur

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading