Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Puntland oo la magscaabay

Bosaso: 06 February 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 11 ee 6da February 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading