Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug oo xilkii laga qaaday

Xubnaha Baarlamanka Galmudug ayaa maanta sheegay inay xilkii ka qaadeen gudoomiyihii baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir.

Kullan uu guddoomiyey ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed, ayaa looga dhawaaqay in codeyn gacan taag aheyd ay 46 xildhibaan oo ka mid ah 147 xildhibaan oo codeeyey ay xilka ka qaadeen guddoomiyaha.

Gudoomiye Gacal ayaa diiday xil ka qaadistaas oo uu ku tilmaamay mid aan sharciga loo marin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading