Gudoomiyihii Degmada Marka oo Qarax lagu dilay

In ka badan 10-Qof oo uu ku jiro Guddoomiyihii Degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafow,ayaa ku dhimatay Qarax ismiidaain ah oo ka dhacay magaalada Marka, sida uu VOA u sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta gbolka Shabeellada Hoose.

Qaraxan,ayaa mas’uul codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni uu sheegay inuu gaystay Qof isa soo miidaamiyey uuna ka dhacay agagaarka xarunta Degmada.

War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda, ay Al-Shabaab ku sheegataya mas’uliyadda qaraxa magaalada Marka oo ay sheegtay in lagu beegsaday Guddoomiye Waafow.

Dhinaca kale qarax labaad oo ka dhacaya degmada Afgooye ayaa lagu soo warramayaa inay sidoo kale ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo rayid ah.

Magaalada Muqdisha ayaa iyadana qarax ka dhacay la sheegayaa inuu ahaa mid ku qarxay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo diyaarinayey qaraxaas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading