Gudoomiyihii Gobolka Minisota oo loo xushay M.xigeenka Maraykanka Ee Xisbiga Dimuqraadiga

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz u dooratay in uu noqdo musharaxa madaxweyne ku xigeenkeeda, isaga oo kala qaybgeli doona ololayaasha doorashada madaxtinimada ee dhici doona bisha November ee soo socota.

Ku dhawaaqistan rasmiga ah ee Salaasadii ayaa ku soo beegantay ka hor munaasibadda ololaha ee ka dhacaysa Philadelphia, taas oo ay labada masuul si rasmi ah uga wada qaybgeli doonaan.

“Waan ku faraxsanahay inaan idinla wadaago inaan qaatay go’aankayga, kaasoo ah inaan xushay Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz,isaga oo ku biiri doonaa ololaha xisbigeena, isagoo noqonaya ku xigeenkayga” ayay ku tiri Harris, fariin qoraal ah oo ay u dirtay taageerayaasheeda. “Tim waa hogaamiye la tijaabiyay oo leh taariikh cajiib ah oo ah in wax loo qabto qoysaska Minnesota.”

Trump ayaa isaguna hore ugu magcaabay Senator JD Vance ooka soo jeeda Ohio inuu noqdo ku xigeenkiisa intii lagu guda jiray shirweynihii xisbiga Jamhuuriga ee dhacay bishii hore.

Xigasho:-VOA


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading