Video:-Gudoomiyihii ismaamilka Nayrobi Oo la xiray

Ciidamada la dagaalanka musuq maasuqa ee dowladda Kenya ayaa maanta xiray gudoomiyaha Ismaamulka magaalada Nairobi, Mike Sonko.
Sonko.

Sonko oo markii la xirayey lagala degay tareen ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta maxkamad lasoo taago.

Xariggiisa ayaa yimid saacado ka dib markii uu Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji soo saaray warqad booliska ku amreysa inay soo xiraan Mike Mbuvi Sonko, si wax looga weydiiyo lacago ka mid ah dhaqaalihii ismaamulka uu hoggaanka u hayo. lacag gaareysa Sh357 milyan oo shilinka kenya ah(oo u dhiganta in ka badan $3.5 milyan oo doolar) ayaa la la’yahay.,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading