Gurigii uu ku dhashay Aayutullah Khumayni oo Dab la qabadsiiyay

Dad ku dibad baxaya dalka Iiraan,ayaa dab qabadsiiyay guriga ninka uu awoowaha u yahay aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee, Aayatullah Ruhollah Khumeyni.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada, ayaa muujinaya qeyb kamid ah dhismaha Khumeyni oo dab la qabadsiiyay.

Wakaaladaha wararka, ayaa xaqiijiyay dhab ahaanshaha muuqaalada, balse maamulka gobolka, ayaa beeniyay inuu jiro weerar la xiriira dab qabadsiin ah.

Ayatullah Khumeyni, ayaa la sheegay inuu ku dhashay guriga la sheegay in dab la qabad siiyey, oo haatan ah madxaf lagu xuso noloshiisa.

Khumeyni ayaa waxa uu ahaa hoggaamiyihii kacdoonka Islaamiga ah ee Iran ka dhacay sanadkii 1979-kii.

Kacdoonka, ayaa waxaa xukunka lagaga tuuray hoggaamiyihii reer galbeedka ay taageersanaayeen, Shah Mohammad Reza Pahlavi, isagoo dhisay Khumeyni dawlad Islaami ah oo jirta Illaa iyo maanta.

Waxa uu ahaa hoggaamiyihii ugu sareeyay ee Iran illaa uu ka geeriyooday sanadkii 1989-kii, taasoo illaa iyo haatan ku asteysan maalin baroor diiq ah sanad walba.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading