Guurtida Somaliland oo mudada ukordhiyay Muuse iyaguna kororsaday

Muuse Biixi Cabdi 2-sano oo kordhin mudo xileedkiisa Madaxweyne ee Somaliland ah,ayaa loo sameeyay Maanta.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah waxay umuuqdaan kuwo aan awoodin in ay hor istaagaan mudo kororsigan.

Somaliland hay’adaheeda Dowliga ah ma’ahan wax ku cusub mudo kordhinta oo waxaa la oran karaa waa soo jireen.

Dhamaan Madaxdii soo hogaamisay Somaliland waxaa loo sameeyay mudo kordhin.

Sidoo kale Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida,ayaa mudo badan samaysanayay mudo kororsi,waxaana udanbeeyay Golaha Guurtida oo saakay 5-sano iyagu siyaadsaday mudo xileedkooda.

Dimuqraadiyada Somaliland,waxaa macnaha iyo dhadhankaba ka lumiyay mudo kororsiga xeeladaysan ee ay samaystaan hay’adaheeda Dowliga ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading