Askariga Xabada ridaya,marka laga soo tago Mushahaarkiisa,waxa uu qaataa $15 Maalin walba,waxaana siisa Dowlada Puntland.
Si la mid ah Askariga Dhaawacma,waxa uu qaataa $8 Maalin walba,waxaana siisa Dowlada Puntland.
Saadka Ciidanku makala joogsado haday ahaan lahayd…..
B.Rasaas.
T.Shidaal.
J.Dayactir Gaadiid.
Talis si weyn loo diyaariyay oo Saraakiil khibrad leh Gacanta loo geliyay oo MW Taleefoon ku dul taagan yahay,ayaa hogaaminaya Dagaalka.
Dagaalkaas,waxa laga gaaray Guul weyn oo Deg-deg ah,waxaana argagixisada Dhulkii ay joogtay ka harsan 28-KM.
Dagaalkan ma carqaladayn Bixinta Adeegii Dowladnimo oo Mushahaarka Shaqaalaha joogto ayay uqaataan Rayd iyo Ciidanba.
Sidoo kale Mashaariicdii horumarineed sidii loogu talagalay ayay ufulaan.
Dagaalkan marka laga soo tago in Dhulka PL laga sifeeyo argagixisada,waxaa kaloo lagu helay Magac,Muunad iyo Maqaam.
Wuxuu kaloo muujiyay PL in ay tahay Quwad isku filan oo leh Bulsho ka diyaarsan Dhaqaalaha,Aqoonta iyo Aragtida.
Guusha,waxaa iska leh marka Shacabka iyo Ciidanka laga soo tago Madaxweyne Deni oo noqday hogaamiye taariikh sameeyay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.