Guusha laga gaaray loolanka Itoobiya,waxaa gaagixiyay dhawaaqa Beelaha Hawiye Ee Xamar

Xasan Shiikh,isagoo ay Dhulka ka taalo oo ku fashilmay maaraynta Siyaasadaha gudaha Wadanka,ayaa rabi Abiy usoo diray oo SL la gaaray isfahan Saldhig Ciidan Badeed.

Maalinkaas Dadkii kusoo wada jeeday,ayaa ka jeestay oo ku jihaysmay Itoobiya iyo difaaca Badda.

Siyaasiyiintii Mucaaradka ahaa,ayaa Warkii ka xirmay.

BC,ayaa isku duubni hal Af kuwada hadashay oo Itoobiya kaga hor timid damaca Badda Somaliya iyo in Gobol ka mid ah Jamhuuriyada Somaliya in ay la gasho isfahan.

Maraykanka oo ah Quwada Caalamkan hogaamisa xiligan si adag,ayuu ugarab istaagay Somalida,waxaana yimid Xamar Agaasimihii CIA.

Sidoo kale,waxaa kusoo wajahan Somaliya Wasiirka Gaashaandhiga si loo muujiyo ahmiyada Maraykanku ihayo Somaliya.

Maraykanku,waxa uu kaloo cadaadis saaray PL si aysan uqaadin Wadada SL ay qaaday,isla markaana waxa uu adeejiyay Turki iyo Masar si Itoobiya cadaadis loo saaro.

Haatan Abiy,waxa uu taagan yahay Madaxa Ciida halayga celiyo,waxuuna codsaday Maalmo ka hor in Wasiirkiisa Arimaha Dibada tago Xamar lana kulmo Xasan,wayse suuroobi wayday.

Turkiga,ayaa hada wada dadaalo qarsoon,waxaana lagu balamay in uu qabsoomo Shirka 17-ka Bishan loo ballansanaa,sida xoguhu sheegayaan.

Shirkaas,ayaa laysku afgartay in uu kasoo baxo Warmurtiyeed uqornaan doona…

1.Itoobiya in ay ka laabatay isfahankii ay la gashay SL.

2 .Somaliya in ay ufurayso Itoobiya meel ay ka gasho Bada oo ay uga faa’idaysato Ganacsiga iyo horumarka.

Shirkaas kadib MW Somaliya waxa uu tagi doona Shirweynaha Midowga Afrika ee Adis,halkaas ayayna Labada Dowladood toos isku hor fariisan doonaan oo ku heshiin doonaan.

Nasiibdaro guushaas qurxoon ee Somalidu gaartay,waxaa dhaawac ku noqday dhawaaqa Xamar ee Beelaha Hawiye ee Xasan ku lug leeyahay.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading