Habraaca Shaqo Ee Gudiga Dib U Eegista Dastuurka oo la meel mariyay

Waxa la meel mariyay waa Habraaca uu ku shaqaynayo Gudiga Dib u eegista Dastuurka.

Qodobada la ansixiyay,waxay kala yihiin……

1.Hay’adaha lala latashanayo.

2.aareynta Kulamada Wadajirka labada Aqal ee Baarlamanka.

3.Marxadalaha akhrinta wax-ka-beddelka Dastuurka.

4.Habka dood soo jeedinta Xildhibaanada.

5.Habraaca Codeymaha sida tirada loo baahan yahay iyo qaabka codeynta (Qarsoodi iyo Gacan taag).

6.Nidaamka meel-marinta Dastuurka

Dastuurka wax ka badalkiisa,waxay qaadan doontaa ugu yaraan Sanad kale ama Laba Sano hadiiba laysku raaco.

Waxaa jira Qodobo ay khasab tahay in la taabto oo iska hor imaanaya,kuwaasoo ay ka mid yihiin…

B.Magacaabida xilalka sare,sida Safiirada,Talyayaasha iyo Agaasimayaasha Guud oo Dastuurku siinayo Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada Labadaba.

T.Waxbarashada iyo Deegaanka oo Dastuurku siinayo Xukuumada Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Qodobka ugu dooda culus,waa midka ka hadlaya gebi ahaanba in meesha laga saaro jagada Ra’isalwasaaraha,kaasna waa laga heshiin karaa oo meel dhexe,ayaa layskugu imaan karaa sida…

B.In Madaxweynaha la siiyo awooda magacaabida iyo xilka ka qaadista Ra’isalwasaaraha.

T.In Madaxweynaha laga qaado dhamaan awoodaha kale oo Xukuumada lagu wareejiyo si buuxda.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading