Hadal hayn ka dhalatay hanbalyada Farmaajo Ee Macron

Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu hambalyo ugu diray Madaxweyanaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, oo ku guuleystay shan sano oo dheeri ah ka dib markii uu tartan aad la isugu dhawaa uga guuleystay haweeneydii uu culayska wayn kala kulmay ee Marine Le Pen.

Hadal hayn badan oo baraha bulshada Soomaalida ah ayaa ka dhalatay qoraalka uu Farmaajo soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo ku qornaa luuqadda Faransiiska.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Faransiiska ayaa isku mid ka ah doorashada xasaasiga ah ee ay wajahayeen, mid walbana waxa uu doonayay in mar kale xafiiska uu kusoo laabto, taasi oo qudheeda qayb ka ah hadal haynta Soomaalida. 20-kii sano ee lasoo dhaafay doorashooyinkii ka dhacay dalka Faransiiska markii ugu horraysay ayaa dib loogu soo doortay madaxweynaha xilka hayay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading