Hadalka Firdhiye ma noqon karaa Deni fursad uu kaga dhuunto Doorashada?

Doorashada Xildhibaanada iyo Madaxweynaha Puntland wax saamayn ah kuma leh hadalka Firdhiye.

Deni fursad uu kaga hoos baxo Doorashada laga sugayo uma noqon karo hadalka Firdhiye.

Sidoo kale wax Mucaaradka lagu shiiqiyo ma noqon karo hadalka Firdhiye.

Si walba oo xaalku yahay,waa lama taabtaan maqaamka Dowladnimo ee Puntland iyo maalinka Doorasho ee 8-da Janaayo.

17-ka Xildhibaan ee Sool iyo Buuhoodle,waxaa looga gudbi karaa lama Qodob midkood hadii la qaato…

1.Dastuurka Puntland wuxuu qorayaa in Baarlamanka ay wax dooran karaan hadii la helo 2/3 tirada guud, taas oo ka dhigan 49, inta laga heshinayo hab-qeybta Baarlamanka, 49-kaas in ay doorashada galaan.

2.In Dowlada Puntland, Mucaaradka iyo Isimada ay ka heshiiyaan habka 17-ka Xildhibaan loo qaybinayo,iyadoo Beelaha doonaya in Baarlamanka wax loogu daro ay ka mid yihiin Majeerteen,Warsangeli,Dishiishe, Leelkase, Awrtable, Carab Saalax, Kiski-qabe, Gari Koombe, Jambeel, Madhibaan, Liiban Gashe iyo Dir.

Xalku waa fudud yahay,waana ilaalin Puntland-ta qiimaha noo leh.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading