Waddamadee bay ka kala yimaadeen argagixisada ISIS ee ku soo qulquleysa, kuna soo duushay Puntland?
Sida uu qoray Taliska Mareykanka ee AFRICOM ee hawlgalka Afrika, argagixisada ISIS waxa ka kala yimaadeen sagaal waddan oo Afrika iyo Bariga Dhexe ku kala yaal oo ay kamidyihiin Tanzania, Itoobiya, Sudan, Libya, Algeria, Morocco, Tunisia, Sacuudi Carabiya iyo Suuriya.
Hawlgalka Africom kuma darin argagixisada kale ee ka kala timid Bartama Aasiya ee qowmiyadaha loo yaqaan Turkic ee dalalka Turkiga, Azerbaijan, Kazakhstan, Uzbekistan, Turkmenistan, Tajikistan, iyo waliba argagixisada Wiigarka ee Shiinaha, laakiin badi u soo qaxay oo ku nool Turkiga.
Taasi waxay ka dhigeysaa in argagixiso ka kala timid 16 waddan ay Puntland ku soo duuleen.
Xigasho:-Daljir Media
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.