GAALKACYO (IDIL NEWS)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaa si habsami leh uga soconaya Dhismaha Wadada Halbowlaha ee Magaalada, taas oo ay dhismaheeda iska kaashanayaan Maamulka iyo Shacabka Gaalkacyo.

Dhismaha Wadada oo ay waddo Shirkadda Kebarco ayaa ah Wajigii labaad, Shacabka ayaana ka qeyb qaadanaya Dhismaha Wadada iyo Naqshadeyteeda.

Qaar kamid ah Dhalinyarada Magaalada Gaalkacyo oo is xilqaamay ayaa bilaabay inay si iskood ah u caawiyaan Shirkadda Kebarco, Iyagoona marinaya qeybaha laamiga ee lasoo dhisay Caalamadaha lagu hagayo Gaadiidka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.
Halka ka Daawo.
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.