Halkee marayaa heshiiska Imaaraadku kula wareegayo Dekeda Garacad?

Heshiiska Dekeda lagu kala saxiixanayo,waxay ubadan tahay in uu qabsoomo Todobaadka soo socda.

Laba Xubnood oo Gudiga Maamulka Shirkada Wadaagsin ah,ayaa jooga Imaaraadka.

Wada xaajoodkii ugu danbeeyay ee layskula fahmayo sida heshiisku noqonayo,ayaa socda.

Dhanka kale inta badan Mucaaradka Dowlada Deni ee kasoo jeeda Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland,ayaa iskushubay Mudug si ay qayb uga noqdaan Sooryada Saxiixa.

Xagxagashada Islaan Bashiir,waxay ku salaysan tahay Dharbaaxooyin laysku muujinayo oo hordhac ah.

Waxaa xusid mudan ah Garaad Shirwac iyo golaaftankiisa Afka ah ee culus oo ka turjumaya sida uu ugu abaabulan yahay ka mid noqoshada Markhaatiyaasha Saxiixa heshiiska.

Garaad Shirwac,waxaa lagu xasuustaa sidii Deni u isticmaalay xilligii Doorashadii Fadaraalka iyo sidii uu uga guuray Doorashadii PL.

Waa umuhiim in lagu wareejiyo Dekeda Maamulkeeda Shirkada Imaaraatiga ah si ay udhamatstiranto Wadada Garacad-Goldogob.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading