Halkee marayaa magacaabistii Golaha Wasiirada Fadaraalka?

Xukuumadda Federaalka ah ee Somaliya,ayaa lagu wadaa in uu maanta ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirrada.

Xafiiska Raysul wasaaraha,ayaa waxaa ku sugan xubnaha loo magacaabayo xilalka Wasiirrada cusub.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa la baabi’in doonaa.

Waxaa la soo kordhin doonaa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Wasaaradda Dastuurka,ayaa lagu dari doonaa wasaaradda Caddaalladda iyo Garsoorka.

Wejiyo cusub,ayaa waxaana la filayaa in uu kasoo dhex muuqdo hogaamiyihii Alshabaab Mukhtaar Rooboow oo dhawrkii sano ugu danbeeyay Xabsi Guri ku jiray.

Raysul wasaare Xamse oo xilka loo magacaabay 15-kii Juun ayuu baarlamaanka federaalka ah 25-kii Luulyo muddo 10 cisho ah oo dheeraad ah u siiyay inuu ku soo dhiso xukuumadda cusub.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading