Halkee marayaa Olalaha Doorasho Ee Somaliland?

Ganacsatadii ugu waa weynayd Somaliland,ayuu Muuse Biixi Xalay Shirsaday,wayna taageereen.

Ninkan hadlaya,waa Mulkiilihii Dahabshiil oo Beesha Habarjeclo kasoo jeeda.

Waxaa muuqata Muuse in uu haysto haldoorka SL ee Siyaasada,Ganacsiga,Ciidanka iyo Dhaqaalaha.

Cirro,waxaa muuqata in uu haysto Codka Shacabka caadiga ah.

Muuse taageero Dhaqaale,ayuu ka haystaa Imaaraadka,halka Itoobiya uu ka haysto taageerada Hubka iyo Saadka.

Dunida Sadexaad Shacabku saamayn maleh,waxna kama gooyaan jaangoynta Siyaasada,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa….

Kacdoonkii Shacabka ee Wadamada Carabta marka laga reebo Libya oo R.Galbeedku ay dileen Qadaafi maahee intii kale,waa laga adkaaday ugu danbayn.

Dad badan,waxay qabaan in uu ku shubanayo Muuse hadaan Cod aad ubadan oo uusan qarin karin aan looga adkaan.

Isku soo wada duuboo looba jooge Codka Shacabka iyo horweynta Bulshada ee loolalamaya kii adkaada.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading