Halkee marayaa Shirka Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya?

K&B Somaliya,waxaa weli ka dhex socda dood kusii siqaysa khilaaf oo ku aadan Doorashada.

Xasan oo ah Madaxweynaha K&B,waxa uu ku adkaysanayaa oo ka samayn la’a yahay tanaasul Doorasho Qof iyo Cod ah baan qaban karnaa.

Dowlad Goboleedyada KG,Hir-Shabelle iyo Galmudug,waxay ku raacsan yihiin aragtida Xasan Shiikh.

JL,waxay weli taagan tahay halkeedii oo waxay ku doodaysaa Doorasho Qof iyo Cod ah ma dhici karto Laba Qodob awgood…..

1.PL oo maqan aawadeed,,waxay Doorashadan sii kala diraysaa Wadanka.

2.Nabad diidka oo aan laga xorayn Dhulka suurtagal mahan Doorasho Cod iyo Cod ah.

Villa Somaliya iyo cadaadiska Axmed?

Si Axmed Madoobe cadaadis loo saaro,waxay Kooxda Xasan sameeyeen laba arimood…..

1.Xamse oo soo istaagay Axmedoow,waa iscasilayaa ama Dowlada Warkeeda raac.

2.Dacaayad Baraha Bulshada la marinayo oo oranaysa,waa la xirayaa haduusan aqbalin Doorasho Qof iyo Cod ah Axmed,sababtoo ah…

B.Axmed in aan la dooranayn buu og yahay.
T.Axmed,waxaa adeegsanaysa Itoobiya iyo Imaaraad oo waa Qaran dumis.

Doorasho 1Q&1C?

Xassn,waxa uu ka dhex arkaa Laba arimood…

B.In uu ku shubto.
T.In uu mudo kororsi helo.

Axmed,waxa uu ku diidan yahay Labo arimood….

B.kenya iyo Imaaraad oo diidan Xasan iyo qorshihiisa.

T.Isagoo heli kara 5-Sano isku Caano shub ah.

Isku soo wada duuboo,waxaan sugnaa,waa in Afarta DG ay aqbalaan Xasan in ay dhisaan,iyaguna isgowracaan iyo in ay diidaan.!!

Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading