Halkee maraysaa dhismaha Wadada Garacad-Goldogob?

Waa wax lagu farxo xaqiiqdii dhismaha socda ee Dekeda iyo Wadada Garacad.

Waa Mashruuc balaaran oo aan lasoo koobi karin qiimahiisa waxtareed ee Bulshada.

Mashruuc markuu soo dhamaystirmo ku kacaya ku dhawaad $500-Milyan oo Hal Deegaan ka fulay waa maalgelin,horumarin iyo Shaqo abuur caalamiya oo Dowlado waa weyn kaliya fuliyaan.

Nus Bilyan Dolar Mashruuc ku kacaya in Bulshada caadiga ah ku fakarto oo ku dhaqaaqdo,isla markaana intiisii badnayd la hirgeliyay oo mira dhalkiisii durba la arko mahan,wax fudud.

Dekeda ay kusoo xiran karaan Hal mar 8-Markab iyo Wado dhererkeedu dhan yahay in ka badan 400-Km in Shacab caadiya oo kan ugu badan uu heli karo Milyan Dolar ubabac dhigaan waa halgan kale.

Reer Mudug,waxay muujiyeen dadnimo,waxayna PL usameeyeen qiimo cusub oo ay kusii dhex yeelatay Caalamka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka Shaqada

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading