Halkee maraysaa magacaabistii Gudoonka Maxkamada sare Ee Puntland?

Kooramkii ansixin lahaa Gudoomiyaha Maxkamada sare, wuu ka dhex helay Baarlamaanka Madaxweyne Deni sida la xaqiijinayo.

Maalmahan,ayuu dib ushaacin doonaa wareegtada magacaabista Taaraan.

Gudoomiye ku xigeenka Maxkamada sare,ayuu siiyay Madaxweyne Deni Gobolka Sool.

17-ka Xildhibaan ee reer Sool,waxaa la kulmay M.xigeenka oo ka dalbaday in ay codka siiyaan Taaraan maadaama ku xigeenka Maxkamada saami qaybsi ay uheleen.

Sababta ugu weyn ee Deni ugu dhagan yahay Taaraan,waxaa markii hore laysla dhexmarayay in uu rabo mudo kororsi.

Balse hada,waxaa la ogaaday in uu ka fakarayo markuu xilka ka dego in aan durba loo isticmaalin Maxkamada sare oo aan lagu soo gole joojin lunsasho Hanti Qaran.

Madaxweyne Deni iyo Qoyskiisu,waxay Puntland ka sameeyeen dhaqaale aad ufara badan.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading