Halkee Xamaas kasoo galaa Dhaqaalaha faraha badan Ee ay haysato?

Xamaas waa Koox da ugu qanisan kooxaha dagaalama ee caalamka,waxayna hantidoodu gaaraysaa ku dhawaad $1-Bilyan.

Afar qaybood ayay kasoo gashaa Lacagtaas,kuwaasoo kala ah…

1.Taageero uga timaada Dowladaha.
2.Canshuur ururinta.
3.Maalgashiga
4.Deeqo.

Dowlada ugu weyn ee taageerta Xamaas,waa Dowlada Iran oo Sanadkii waxay siisaa $100-Milyan.

Canshuurta soo gasha Bishii,waa $12-Milyan,waxayna ka uruuriyaan Qasa,si gaar ah Ganacsiga ukala goosha Masar iyo Qasa.

Maalgashiga Ganacsi ee ay ka sameeyaan dhaqaalaha,waxaa ugu weyn Crypto Currency,oo waxay Bitcon ka sameeyeen faa’ido gaaraysa $41 Milyan 2019-2023.

Crypto Currency waa meel aysan Dowlado maamulin,sidaa daraadeed lama ogaan karo Lacagaha udhexmara oo xataa,waxaa si Ganacsi ah ugu soo marsiiya Lacag Dadka taageera Xamaas iyo Dowlada Iran.

Sidoo kale,waxay maalgashi badan ku samaysatay Xamaas Ganacsiga Galbeedka Aasiya.

Deeqaha ugu badan,waxay ka heshaa Dad iyo Hay’ado kala jooga Yurub,Aasiya iyo Khaliijka Carabta

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading