SIDA AYNU LAWADA SOCONO WAXAA SEDDEXDII SANO EE AYNU SOO DHAAFNAY HAREEYEY DALKEENA ETHIOPIA MUDAAHARAADYO IYO RABSHADO KA BILLAABMAY CAASIMADDA ADDIS ABADA IYO HAREERAHEEDA KOLKII DAMBENA KU FAAFAY DEEGAANADA OROMIYA IYO AMXAARADA,KUWAAS OO QALQAL GELIYEY NABADDA,HORUMARKA IYO DIMUQARAADIYADA DALKEENA ETHIOPIA UU CAANKA KU AHAA;WAXAANA AAD U BUUNBUUNIYEY INTA NECEB JIRITAANKA IYO WADAJIRKA UMMADDEENA.
WAXAA MARKHAATI MA DOONTO AH IN QASKAN IYO DHIBTAN DHACDAY AY AHEYD MU´AAMARADO DIBADDA LAGA SOO MALEEGAY LOONA SOO XAWILAY ETHIOPIA.
WAXAA 15 FEBRAAYO 2018 IS CASILAY RAYSAL-WASAARE HAILEMARIAM DESALEGN,WAXAA MARKIIBA SHIRAR HOOSAAD U FURMAY URURADA KU BAHOOBAY EPRDF OO KALA AH : TPLF,OPDO,ANDM,SEPDM.
KADDIB WAXAA XARUNTA ADDIS ABABA KA FURMAY SHIRKII GOLAHA DHEXE EE XISBIGA TALADA HAYA EE EPRDF KAASOO DIIRADA LAGU SAARAY XAALADA GUUD EE DALKA UU MARAAYO XAGGA NABADGELYADA IYO DIMUQARAADIYADA,KOLKII LA TURXAANBIXIYEY ARRIMAHAAS IYO KUWA KALE OO FARA BADAN AYAA LOO GUDBAY DOORASHADII GUDDOOMIYAHA XISBIGA TALADA HAYA EE EPRDF.
WAXAA 27KII BISHII MAARSO LOO DOORTAY GUDDOOMIYAHA XISBIGA EPRDF Dr. ABIYU AHMED ALI KAASOO COD AQLABIYAD AH KA HELAY GOLAHA DHEXE EE XISBIGA EPRDF,SIDA DASTUURKA ETHIOPIA KU QORANA GUDDOOMIYAHA XISBIGA AYAA AH RAYSAL-WASAARAHA DALKA.
Dr. ABIYU AHMED ALI AYAA KASOO JEEDA DEEGAANKA OROMIYA,WAXAANA SOO SHARRAXAY XISBIGOODA OPDO.
Dr. ABIYU AHMED AYAA KHUDBAD MUHIIM AH OO UU DOORASHADII KADDIB KA JEEDIYAY GOLAHA DHEXE EE XISBIGA EPRDF HORTIISA WUXUU KA SHEEGAY INUU SII XOOJINAYO JIHOOYINKA SIYAASADEED,HORUMARINEED,NABADGELYO,MAAMULKA-SUUBAN IYO DIMUQRAADIYADDA EE U YAALA XISBIGA EPRDF;WUXUUNA CARRABKA KU ADKEEYEY INUU SI GAAR AH ULA SHAQEYN DOONO DEEGAANKA SOOMAALIDA ETHIOPIA,GAAR AHAAN MADAXWEYNE HEYBADLE CABDI MAXAMUUD CUMAR IYO XISBIGA DIMUQARADIGA SHACABKA SOOMAALIDA ITOOBIYA.
WAXAA KALE OO XUSID MUDAN WARBIXIN UU SOO JEEDIYAY XISBIGA OPDO AYAA WAXEY KU CANBAAREEYEEN DHIBAATOOYINKII KA DHACAY MAGAALADA AWADAAY IYO GALBEEDKA HARARGE EE DEEGAANKA OROMADA ,IYAGOO SHEEGAY INAY AAD UGA XUN YIHIIN FALALKAAS.
2-APRIL WAXAA XILKA RAYSAL-WASAARE LA WAREEGAY Dr. ABIYU AHMED OO LAGU HORDHAARIYEY XARUNTA GOLAHA BAARLAMAANKA ETHIOPIA.
7-APRIL WAFDI BALAADHAAN OO UU HOGGAAMINAYAY RAYSAL WASAARE ETHIOPIA Dr. ABIYU AHMED OO AY KU WEHLINAYEEN RAYSAL-WASAARE KU XIGEENKA MUDANE DEMEKE MEKONEN,MADAXA XARUNTA DHEXE EE XISBIGA EPRDF MUDANE SHIFEREW SHIKUTE,WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA EE JDFI WORKNEH GEBEYEHU,MADAXWEYNAHA DEEGAANKA OROMADA MUDANE LEMMA MEGERSA,WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA FEDERAALKA IYO HORUMARINTA XOOLODHAQATADA MUDANE KEBEDE JANE IYO MASUULIYIIN KALE AYAA LAGU SOO DHOWEEYEY GEGIDA DIYAARADAHA CAALAMIGA AH EE GARAAD WIILWAAL EE JIGJIGA,WAXAANA SOO DHOWEEYEY OO AAN U KALA HARIN SHACAB IYO XUKUUMAD OO UU HORKACAAYO HEYBADLE MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR.
SALAAN DIIRAN OO AY WALAALTINIMO KU DHEEHAN TAHAY OO LAABTA LA ISA SAARAY KADDIB,WAXAA WAFDIGA LOO KAXEEYEY XARUNTA MADAXTOOYADA IYAGOO SII KORMEERAY MASHAARIICDA HORUMARINEED EE KA QABSOOMAY DEEGAANGA.
WAFDIGA AYAA LA KULMAY LAMMAANIHII IS-CALMADAY EE BEESHA GABOOYE IYO BEELAHA KALE,TAASOO LAGU SOO AFJARAY KALA SARREYNTA BULSHADA,TAASOO UU WAFDIGA RAYSAL-WASAARUHU AY AAD UGU GUUXEEN.
UGU DAMBEYN WAXAA LA ISUGU TEGEY HOOLKA SHIRARKA EE SAYID MAXAMAD,WAXAA HADALKII FURAY HEYBADLE MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR SOO DHOWEYN KADDIB WUXUU KA WARBIXIYAY XAALADDA GUUD EE DEEGAANKA XAGGA AMINIGA,HORUMARKA GUUD IYO DAREENKA BULSHADA DEEGAANKA; UGU DAMBEYNA WUXUU KU SOO DHOWEEYEY COD BAAHIYAHA RAYSAL-WASAARAHA ETHIOPIA MUDANE Dr. ABIYU AHMED AYAA MAHAD BALLAARAN U SOO JEEDIYEY SHACABKA IYO XUKUMADDA DDSI OO SI MUG-LEH U SOO DHOWEEYEY ISAGA IYO WAFDIGIISA.
WUXUU XUKUUMADDA DDSI KU AMMAANAY DADAALKA XAGGA AMNIGA,HORUMARKA,CADDAALADDA IYO MAAMUL-WANAAGGA,WUXUU KHUDBADIISA KU XUSAY SOONA QAATAY HALGANKII HUBEYSNAA EE SAYID MAXAMAD CABDILLE XASAN KAASOO AHAA GEESI BAL DAHAB AH KAGA JIRA TAARIIKHDA ETHIOPIA IYO GUUD AHAAN AFRIKA.
WAXAA GUUL U AH DDSI INUU RAYSAL-WASAARAHU SHAQADIISII UGU HORREEYSEY UU KA BILAABAY JIGJIGA,TAASOO MUUJINEYSA AHMIYADDA AY DOWLADDA FEDERAALKA KA LEEDAHAY DEEGAANKEENA,CASHARNA U NOQONEYSA KUWA FIKRADAHA CIDHIIDHYOON WATA EE ETHIOPIA KALA QOQOBAYA.
Halkan ka daawo muuqaalka dhaantada Soo dhaweynta Ra’isalwasaare Abiye
Halkan hoose ka daawo muuqaalka khudbadii Ra’isalwasaare Abiye
SOO DHOWEYN & BOGAADIN
ANNAGOO AH QURBAJOOGTA DDSI EE SHANTA QAARADOOD WAXAANU SI XUSHMAD LEH U SOO DHOWEYNEYNAA BOOQASHADII RAYSAL-WASAARE Dr. ABIYU AHMED EE JIGJIGA,TAASOO KU SOO BEEGANTAY 5 CISHO KADDIB KOLKII LOO DHAARIYEY JAGADA.
WAXAANU RAALI KA NAHAY BAAQII XISBIGA OPDO EE DHIBAATOOYINKII KA DHACAY MAGAALADA AWADAAY IYO GALBEEDKA HARARGE EE DEEGAANKA OROMADA ,IYAGOO SHEEGAY INAY AAD UGA XUN YIHIIN.
WAXAANU SOO DHOWEYNEYNAA BOOQASHADII JIGJIGA EE MADAXWEYNAHA DEEGAANKA OROMIYA MUDANE LEMMA MEGERSA,WAXAANU QIREYNAA INEY WAX BADAN KA BEDDESHEY JAWIGA ETHIOPIA,WAXEYNA HORSEED U TAHAY NABADDA,WADAJIRKA IYO HORUMARKA LABADA SHACAB EE WALAALAHA AH.
HADALADA RAYSAL-WASAARE Dr. ABIYU AHMED KOLKUU KA HADALYEY TAARIIKHDA SAYIDKA WAXEY INA SOO XUSUUSISAY HADALADII CAD-CADDAA EE GEESIGII WEYNAA EE SEESKA U DHIGAY ETHIOPIADA CUSUB HALYEY MELES ZENAWI EE GEYIGEENA ETHIOPIA DUNIDA TUSAY,BARAYNA WEJIGA DHABTA AH EE ETHIOPIA KAASOO AH:NABAD,CADDAALAD,MAAMUL WANAAG(GOOD GOVERNANCE) QODOBADAAS OO AASAAS U AH HORUMARKA BULSHADA.
QODOBADAAS 3da AH AYAA ETHIOPIA GAARSIISAY INEY KU DHIIRATO KOBACA DHAQAALAHA EE CAALAMKA(GDP) INEY KA GASHO KAALINKA KOWAAD,LAGUNA MAAMUUSO XUBINNIMADA DOWLADAHA G 20.
Dr.ABIYU AHMED WAXAANU KAA FILEYNAA OO HUBAAL AH INAAD ETHIOPIA KU HOGGAAMINEYSID TUBTAAS CAD EE CAALAMKU INNAGU BARTAY,AHNA DHAXALKII HALYEYGII WEYNAA EE TAARIIKHDA CAALAMKA BAALKA DAHABKA KAGA QORAN,AHNA AABAHA DHABTA AH EE ETHIOPIA HALYEY MELES ZENAWI.
HA GUULEYSTO HIMLIDA XISBIGA EPRDF,HANA GUULEYSTO RAYSAL-WASAARE Dr.ABIYU AHMED,WAXAANU LEENAHAY: KII NOO HAGAAGEE NOQO LOO HANWEYN YAHAY
HA GUULEYSTO HIMILADA XISBIGA DIMUQRAADIGA SHACABKA SOOMAALIDA ITOOBIYA;HANA GUULEYSTO HEYBADLE,HANAD,HALYEY,NOOLEEYE,CIILTIRE : MADAXWEYNE SAYID CABDI MAXAMUUD CUMAR WAXAANU LEENAHAY NOLOW.
WAXAAD TUSAALE U TAHAY NABADDA,CADDAALADA IYO HORUMARKA GUUD EE ETHIOPIA,LABADII RAYSAL-WASAARE EE UGU DAMBEEYEY EE ETHIOPIA WAXEY MAAMULADA KALE KU AMREEN INEY KUGU DEYDAAN OO KAA TUSAALE QAATAN,TAASOO AAD KU GAARTAY MAAMUL-WANAAG(GOOD GOVERNANCE).
WAXAANU MAR LABAAD IYO MAR SADDEXAABA LEENAHAY MADAXWEYNE GUULEYSO.
WAXAANU MADAXWEYNE CABDI KU GARAB TAAGANAHAY DADAALKIISA KU AADAN DIFAACA MIDNIMADA &WADAJIRKA ETHIOPIA;WAXAANU LEENAHAY MIDNIMADA ETHIOPIA WAA LAMA TAABTAAN,QOFKII DAMAC KA GALO INUU QALQAL GELIYO WUU KU GUBAN,OO AABIHII BAA LA GUBI.
ETHIOPIA HA GUULEYSATO
QURBA JOOGTA DDSI EE SHANTA QAARADOOD
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.