Hanti dhowrka W.Maaliayada oo ka warbixiyay kormeeradiisii Gobollada PL

GAROWE- Madaxada Wasaaradda Maaliyadda,ayaa warbixin ka dhegaystay Hantidowrka Gudaha Wasaaradda oo safaro shaqo ku tagey Goboladda dalka.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenka Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka,Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha, Madaxa Hantidowrka Gudaha iyo Mas’uulyiin kale oo katirsan Wasaaradda.

Axmed Cabdi Maxamed Madaxa hanti dhowrka gudaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxdii shirka la wadaagay natiijada baaritaanka ay ka sameeyeen xarumaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolada Mudug, Karkaar iyo Barri.

Xogtan ayaa ah mid wax badan looga ogaanayo hannanka shaqo ee dakhliga dowladda habka loo qabtay iyo sida ay ugu dheceen Khasnada Dawladda Puntland.

Ugu dambayn Madaxda Wasaaradda ayaa bogaadiyey Shaqooyinkan muhiim ka ah ee ay soo qabteen Xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading