Hargeysa: Agaasimihii Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland oo iscasilay

Agaasimihii Guud ee wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Axmed Cabdirisaaq Diiriye oo kasoo jeeday gobalka Sool ayaa iska casilay xilka, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Hargeysa.

Is-casilaada Agaasime Axmed Diiriye ayaa la xiriirta xasuuqa maamulka Somaliland ku wado shacabka magaalada Laascaanood.

Xubno badan oo kasoo jeeda goballada SSC oo xilal ka hayay Somaliland ayaa iscasilay tan iyo markii uu bilowday kacdoonka shacabka Laascaanood, ay uga soo horjeedaan maamulka Hargeysa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading