Haris iyo Wals oo Wadajir ubilaabay Olalaha Doorashada Maraykanka

Murashaxa Xisbiga dimoqraadiga ee doorashada Madaxtinimada Mareykanka Kamala Harris iyo ninka ay u soo xulatay in uu u noqdo madaxweyne ku xigeenkeeda, guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz, ayaa xaly marki ugu horreysay si wada jir ah uga qeybgalay ololaha doorashada.

Harris iyo Walz ayaa ka ololeeyay gobolka muhiimka u ah doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka ee Pennslvania magaaladiisa Philadelphia.

Walz ayaa marki ugu horreysay xalay ka hor hadlay ilaa 10 kun oo ka mid ah taageerayaasha dimoqraadiga oo isugu tagay gudaha Jaamacadda Temple.

Wuxuu ka hadlay sida uu ugu soo barbaaray tuulo yar oo ku taalla gobolka Nebraska, 24 sano oo uu ka tirsanaa millatariga Mareykanka, macallinimadiisii dugsiga sare iyo doorkiisii tababaranimo ee kubadda Mareykanka.

 

Xigasho:-VOA.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading