Hartiga Jubaland oo kalsoonidii kala laabtay wasiirkii arimaha gudaha ee Jubaland

OG: Beel-weynta HARTI
 
OG: Xildhibaanada Barlamaanka Jubaland
 
OG: Odayaasha dhaqanka Jubaland
 
OG: Taliyaha Ciidanka AMISOM/KENYA ee Jubaland
 
DEG-DEG: Akhriso bayaan: Beesha Harti oo kalsoonidii kala noqotay wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland.
Jun 30, 2017 – jawaab
Waxaa Qoray: Mohamed Sheikh on June 30, 2017.
 
OG: Beel-weynta HARTI
 
OG: Xildhibaanada Barlamaanka Jubaland
 
OG: Odayaasha dhaqanka Jubaland
 
OG: Taliyaha Ciidanka AMISOM/KENYA ee Jubaland
 
OG: Taliyaha Ciidanka AMISOM/ETHIOPIA ee Jubaland
 
OG: Saxaafadda Madaxa Bannaan
 
Kismaayo – 07/02/2016
 
UJ: BEESHA HARTI/JUBALAND OO KALSOONIDA KALA NOQOTAY WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA & AMNIGA JUBALAND GEN. M/ED WARSAME DARWIISH.
 
Hordhac:-
 
Beesha HARTI ee Jubaland waxay u doorteen Gen. Darwiish hoggaamiyaha siyaasadda ee beesha. Taasna wuxuu ku kasbaday inuu Madaxweynaha Jubbaland u magacaabo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland. Waxay ahayd xilli beeshu baahi weyn ay u qabtay shaqsi leh awood hoggaamineed, biseyl siyaasadeed iyo wada-shaqeyn dhex-marta beesha HARTI, hey’adaha dowlad-goboleedka Jubaland iyo shacab weynaha Jubaland ee ay dhibaatadu ragaadisey. Nasiibdarro, Gen. Darwiish wuxuu isla markii la magacaabeyba la soo ifbaxay karti darro, wada shaqeyn la,aan iyo weliba u heelanaan khilaaf joogto ah gudaha beesha HARTI iyo Shacabka Jubaland. Hadaba beesha Harti waxay halkan ku soo bandhigeysaa qaar ka mid ah arimaha Wasiir Darwiish sida gaarka ah uu ugu geystay beesha HARTI:
 
Qodobada Kalsooni kala Noqoshada Gen. Darwiish:
 
Gen. Darwiish wuxuu inta badan waqtigiisa ku lumiyey xulufeysi iyo kala qeybin beesha HARTIdhexdeeda, wuxuuna isku darsadey been iyo kibir, taasoo haba yaraate’e suurtogal eysan ahayn qof noocaas ah inuu hoggaamiyo beesha HARTI.
 
Wuxuu gudaha Beesha HARTI ku dhex-abuurtay koox qas-wadayaal ah oo si bareer ah u curyaamisey wadajirkii, midnimadii iyo horumarkii beesha, xag siyaasadeed, xag dhaqan iyo xag dhaqaaleba.
 
Wuxuu caadeystey inuu si joogta ah u khilaafo masaalixda beesha, isagoo isticmaalaya aragti ah “Qeybi oo Xukun”.
 
Wuxuu Mas’uul ka yahay dhibaatada joogtada ah ee loo geysto shacabka beesha Harti, Wuxuuna har iyo habeen ku mashquulsan yahay kala tagga iyo kala fogaanshaha Harti dhexdiisa iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed.
 
Wuxuu oday u yahay ficilada gabbood-fallada, tacaddiyada iyo hagardaamada ah ee loo geysanayo beesha HARTI, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Dilal nafeed, dhac hantiyeed, shirqoollo, xarig joogto ah, jir-dil, dad koronto lagu gubay oo qaarkood ay u dhinteen iyo dhaqan dooris lagula kacay Harti, taasoo dhammaan hoos imaneysa mas’uuliyaddiisa.
 
Wuxuu abuuray oo misana naaxiyey tafaraaruqa, habacsanaanta iyo isku-xirnaan la’aanta ka jirta Harti dhexdiisa.
 
Wuxuu tarxiilay ama magaaladooda Kismaayo uu ka masaafuriyey dhalinyaro HARTI ah oo isugu jirta ciidan iyo rayid.
 
Wuxuu caadeystay odayaasha dhaqanka ee ka soo horjeeda afkaartiisa gurracan inuu isku dayo ama ugu caga-jugleeyo inuu ku bedelayo kuwo gacan ku rimis ah oo isaga daacad u ah, dhammaan arimahaasna wuxuu u sameeyey si ficil ah.
 
Wuxuu ku guuldareystey inuu beesha ka difaaco kuwa dhul-boobka joogtada ee sharci darada ah ku haya, arintaas oo mas’uuliyad guud iyo mid gaar ahaaneedba ay ka saarneyd xaq-ku-difaacida shacabka uu matilo.
 
Wuxuu mas’uul ka yahay dhaqan-bararka iyo taariikh la dirirka ay sameynayaan kuwa wax-ma garatada ah ee isaga u adeega, wuxuuna abuuray kuwo sheeganaya isimo HARTI oo meelna aan ka soo gelin dhaqankii HARTI ee soo jireenka ahaa.
 
Wuxuu ka dhaga-adeygay, si bareer ahna u qaadacay figrado lagu doonayey in lagu soo nooleeyo deris-wanaaggii iyo wada-noolaanshihii beesha HARTI kala dhaxeeyey beelaha kale ee ay wada degaan degaanka.
 
Wuxuu ahaa ninkii ka danbeeyey in habeen saq-dhexe guryahooda lagala soo baxay iyagoo indhaha laga soo xiray, xabsigana loo taxaabay Garaadka beesha HARTI (Garaad Cali AAR iyo labo nabaddoon).
 
Wuxuu dharka u dhigtay inuu ka hor-yimaado in lagu caano-shubo suldaanka guud ee beesha HARTI (Suldaan M/uud Geelle Cumar Ismaciil), kaasoo badalayey kii isaga ka horeeyey (Suldaan Muuse Nuur Jaamac Ismaciil) oo geeriyooday March 2015.
 
Isagoo si khaldan u isticmaalaya awoodda maamulka Jubaland, wuxuu caga-jugleyn, caburis iyo handadaad joogta ah ku hayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee beesha HARTI, wuxuuna si toos ah uga hor-joogsadaa kulamada ay uga tashanayaan aayahooda.
 
Wuxuu ballan-qaadyo been ah ku soo jiitaa kuwo bakhti-sugayaal ah oo hoygiisa u yuurara, isagoo u ballan-qaadaya xilal sar-sare inuu ka siinayo xukuumadda la soo dhisayo, arimahaas oo HARTI ay horay ugu hungoobeen, taasoo ay ugu danbeysey xilligii la soo xulayey xildhibaanada Jubaland oo uu beeshaHARTI ku maaweelin jirey inuu u keenayo tiro u qalanta.
 
Hadaba, beesha Harti/Jubaland iyadoo tixraaceysa qodobada kor ku xusan waxay gaareen go’aannada hoos ku qoran:
 
Beesha Harti waxay Gen. Darwiish kala noqotay xilkii hoggaamiyaha siyaasadda beesha Harti, waxayna beesha dib uga tashaneysaa ciddii u buuxin laheyd kaalintaas.
Sidoo kale, beesha Harti waxay kalsoonidii wasiirnimo iyo middii qufeedba kala noqotay Gen. Darwiish.
 
Beesha Harti dhammaan dhinacyada uu qoraalkan sida tooska ah iyo ogeysiintaba ugu socdo, waxay si xushmad iyo qaddarin leh uga codsanayaan inaan magaca iyo saamiga awood qeybsi ay beeshu hesho aanan loo magacaabin isla markaana aanan loo soo marsiin Gen. Darwiish.
 
Ciddii xushmeyn weyso go’aanka beesha Harti, waxaanu u aqoonsan doonnaa cid u soo tafa-xeydatey bur-burinta, bahdilidda, baabi’inta jiritaanka beesha iyo ku tumasho qiyimka beesha Harti/Jubaland.
 
Ugu danbeyn, beesha Harti/Jubaland waxay ugu baaqeysaa beelaha walaalaha ah ee reer Jubaland iney adkeystaan midnimadooda iyo wada-noolaansha-hooda.
 
Wabillaahi Towfiiq.
Halkan ka akhriso:-

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading