Haweeney da’ah oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa saaka magaalada Muqdisho ku dishay Haweeney ku ganacsaneysay Suuqa Bakaaraha, iyadoo isla goobta ugu geeriyootay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirkeeda.

Haweeneyda la toogtay oo lagu magacaabi jiray Xadiyo waxa ay Shaah ku iibineysay laamiga labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo xilli ay iska shaqeysaneysay saaka ay goobteeda ugu tageen Saddex dhalinyaro ah, kuwaasoo rasaas ku bilaabay.

Dadkii Maqaaxida xilligaasi fadhiyay ayaa goobta ku kala cararay, iyagoo ka argagaxay toogashada loo geystay Haweeneydan oo caan ka eheyd Suuqa, taasoo heysatay Caruur fara badan oo ay u shaqeyneysay.

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa durba gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo aanan suura gelin in la soo qabto kooxihii dilka ka dmabeeyay, kuwaasoo goobta ka baxsaday, lamana oga sababta ka dambeysay dilka Haweeneydaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading