Haweeney sun ku dishay Ninkeeda oo ahaa macalin dugsi

Ciidamada Booliska Gobalka Hiiraan ayaa ku xiray magaalada Beledweyne Haweenay la aaminsan yahay in ninkeeda oo macalin dugsi ahaa ay sun ku dishay, kaddib markii uu guursaday Haweeney kale.

Ninka la sheegay inuu u dhintey sun la siiyay ayaa ahaa macalin dugsi quraan oo caan ka ahaa magaalada Beledweyne, waxaana la oran jirey Macalinka Cumar Macalin Muxumed.

Allaha u naxariistee Macalinka ayaa xalay cunay cunto lagu daray sunta lagula dagaalamo cayayaanka beeraha, taasoo uu u dhintey..

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading