Haweeney toogasho ku dishay Ninkeeda oo la qabtay

Booliska caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa waxay gacanta ku dhigeen Haweeney la sheegay inay dishay Saygeeda, sababo la xiriiray Khilaaf qoyska dhexdiisa.

Ilo-wareed la tirsan Saldhiga Booliska ee Al-siyaaqi ee Degmadda Sabciin ee magaalladda Sanca ayaa sheegay in Haweeney lagu magacaabo Maciidah C/waaxid Maxamed Al-siyaadi oo 30-jir ay dishay Saygeeda oo lagu magacaabi jirey Waliid Al-samiiri oo 36-jir ahaa.

Haweeneyda waxay dilkiisa u adeegsatay Qori AK-47.

Booliska Kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haya caasimadii Yemen ee Sanca ayaa baaraya waxa sababay dilkaasi, iyadoo aad loo hadal-hayo inuu ka dhashay Khilaaf dhanka Qoyska.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading