Haweenka Sacuudiga oo oo fasaxay wadida Gawaarida

War ka soo baxay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan bin C/casiis ayaa loogu fasaxay haweenka in ay laysanka gaariga dalban karaan,wuxuuna Boqorku sheegay in ayan jirin diin u diideysa haweenka in ay gawaarida kaxaystaan.

 Sacuudiga ayaa ahaa dalka kaliya ee adduunka haweenku mamnuuc ka yihiin in ay wadan karaan gawaarida, waana dhaqan muddo dheer ka soo jiray Sacuudiga, iyadoo la faray wasaarado badan sidii go’aankan loo dhaqagelin lahaa.

Go’aanka ay soo saartay Sacuudiga oo haweenka dalkaasi loogu fasaxay baabuur wadida  ayaa waxa uu dhaqangeli doona sanadka dambe bisha June.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading