Hawlgalka Atmis oo ka hadlay dhacdadii Hiiraan

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ku laayeen dad shacab ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Maxaas, sidoo kale ku gubeen Gaadiid Raashin iyo sahay kale siday.

Qoraal kasoo baxay ATMIS,ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada Al Shabaab u geesteen shacabka, waxa ayna cadeeyeen in ay ka qeyb qaadanayaan howlgalada ka dhanka ah kooxdaasi ee dalka qeybo kamid ah ka bilowday.

“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka ATMIS kasoo baxay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading