Hay’ada Qandaraasyada Puntland oo dib boorka looga jafayo

Hay’ada Qandaraas bixinta Puntland mudo,waxay ahayd hawlgab Magac uyaal ah.

Shaqadeedii,waxaa toos uqaadatay Madaxtooyada mana jiro Qandaraas soo mara oo wax laga waydiiyo.

Xubnihii hay’ada,way kala tageen,waxaa ka jooga oo kaliya Gudoomiyihii oo aan wax Shaqo ah qaban.

Haatan in dib boorka looga jafo,waa loo baahnaa,waxaase iswaydiin mudan…

Kulanka Maanta la qabtay ma yahay mid dhab ahaan hay’ada loogu soo kicinayo?

Sida muuqata MW Deni,waxa uu rabaa in uu muujiyo Maamul Wanaag marka la qiimeeyo….

1.Dimuqraadiyada la dhaqaajiyay.
2.Hanti dhowraha dardargelinta uu wado.
3.Dib u habaynta hay’ada Qandaraasyada.

In aysan laab lakac noqon dadaalka muuqda,ayaa muhiim ah.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading