Hay’adda HADMA oo ka hadashay Roobabkii ka da’ay Degaanada Puntland+VIDEO

Agaasimaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka dabiiciga ah ee Dowladda Puntland (HADMA) Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cayrow, ayaa ka warbixiyay roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay deegaanada Puntland iyo khasaaraha ay gaysteen.

Agaasime Cayrow ayaa sheegay in Roobob xooggan ay saacadihii lasoo dhaafay ka da’een Degaanada Xeebaha iyo Guud ahaan Degaanada Puntland, isagoona tilmaamay in aysan jirin Khasaare ka dhashay Roobabkaas, marka laga soo tago Daadad kusoo rogmaday Degmada Towfiiq ee Gobalka Mudug, oo ay ku le’atay Duunyo fara-badan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading