Heshiiska DFS iyo Turkiga oo Qaranimada Somaliya khatar ku ah

Heshiis Guud oo Shidaal ayay kala saxiixdeen Somaliya iyo Turkiga,ayaa iskugu jira Gaaska iyo noocyada kale ee Tamarta.

Heshiiskan,ayaa ka yimid kii hore ee duuduubka ahaa oo iskugu jiray difaaca iyo Kheyraadka,balse aan la shaacin.

Asalka heshiiska,ayaa ah baaritaan guud oo iskugu jira soo saarista,sifeynta,dhoofinta, iyo iibgeynta shidaalka,Bad iyo Dhulba.

Dowlada Turkiga,ayaa hawshaas si guud umaamuleysa.

Waxaa kaloo jira heshiisyo kale oo ay wada galeen DFS iyo Turkiga oo iskugu jira Beeraha, Kalluumaysiga, Xoolaha nool iyo Dalxiiska.

Dhaliisha heshiiskan?

Waxa uu Somaliya gelin karaa dagaal udhaxeeya Quwado waa weyn oo khatartiisa leh,waxaana haatanba si weyn uga carooday Midowga Yurub iyo Wadamada Khaliijka.

Sidoo kale heshiiskan,wuxuu macno tiray Madaxbanaanida iyo isku filnaansha Qaranimo ee Wadanka.

Heshiiskan,waxaa lagu tilmaami karaa mid caadifad lagu galay oo aan aad looga baaraan dagin laguna salayn aqoon kororsi iyo isku filnaansho.

Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay?

Hadii hoggaanka Turkiga isku badalo mid aan ogolayn waxa socda,iyadoo meel dhexe ay wax marayaan soo ma imaan karaan shuruudo dhib ku ah Somaliya?

Hawlaha Turkiga lala wado waa kuwo si laab lakac ah oo caadiifad ku jirto wax walba gacanta loogu galiyay,halka ay ahayd in aqoon kororsi iyo isku filnaansho loo raadsado.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading