Hindisaha dhexdhexaadinta Midowga Afrika yaa keenay ??

Hindisaha dhexdhexaadinta Midowga Afrika yaa keenay ??

Booqashada deg-dega ah uu madaxweynihii xilligiisa dhamaday, mudane Farmaajo uu ku tagay waddanka DRC waxay ka dhigantahay hindise cusub oo ay beesha caalamka ku doonayso inay xal ugu raadiso arimaha murugsan ee doorashada.

Tillaabadaan waxay timid kadib markii ay kadigtay Hay’adda Xasadaha Adduunka (ICG) khatar ka imaan karto muranka doorashada, dalkana gelin karta halis weyn.

Waxay tilmaantay hay’addaan in dhinacyada siyaasada Soomaaliya ay kala gaareen heer aad u xun aysan suura gal aheyn inay iyaga kaligood xalistaan khilaafka arimaha doorashada.

Hay’adan waxay soo jeedisay in la joogo wakhtigii ay gacan seddexaad toos usoo fara galin lahed, Midowga Afrika (AU) ayey ku taliyeen in uu qaato kaalin dhex-dhexaadin ah.

Waxay qoraalkeeda ku sheegtay in ururkan uu soo magacaabo qof cusub oo Soomaaliya u matala, lana badalo ninka hadda u jooga dalkeena Fracisco Madeira. Kadib, xubno u kala dab-qaada Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada in ay guda galaan isku keenida si ay dhinacyadaan u gaaraan doorasho heshiis laga wada yahay.

Halkaan ka akhriso soo jeedintooda (https://www.crisisgroup.org/africa/horn-africa/somalia/somalia-averting-descent-political-violence).

Waxay tilmaameen sidaan oo kale Midowga Afrika in uu xaliyey muranka doorashadii Kenya 2007-dii.

Waxay intaas ICG ku dartay in shirkaas uu ahaado mid ay u dhan yihiin dhamaan dhinacyada siyaasada sida Dawladda Federaalka, Dawlad-Goboleedyada, Golaha Musharaxiinta, iyo bulshada rayidka ah.

Waxay ku taliyeen in hadaan sidaan la yeelin Soomaaliya ay cagaha la galayso fowdo siyaasadeed.

Haddaba, muxuu ka ka dhiganyahay hindisahaan cusub?

Dhinacyada Soomaalida sidee ayay uga fal-celin doonaan?

Waxaa la qiyaasi karaa in Farmaajo uu joogo waddo uusan kagasoo noqon Karin mudo kororsigii baarlamaanka u meel mariyey asagana qalinka ku duugay.

Waxay u badantahay inuu ogolaado dhex-dhexaadinta Midowga Afrika, laakiin uu ku xiro shardi ah in dhinacyada kasoo horjeeda ay aqbalaan 2-da sano, kadibna ay kawada hadlaan qaabkii kale ay wax ku suurta gali karaan.

Dhinaca kale, PL,JL iyo Midowga Musharaxiinta waxay u badan tahay in miiska ay saari doonaan qodobo ay rabaan inuu fuliyo Farmaajo ka hor wada hadalkaas…

1.In uu ka laabto ku darsiga.

2.In uu saxiixo warqad caddaynaysa in uu xilkiisu dhamaaday, awooda wax fulintana uu ku wareejiyo Xukuumada Rooble.

Hindisahaan cusub ma shaqeyn doonaa?

Waxay ku xiran tahay hadba sida ay beesha caalamka ay u saarto cadaadis dhinacyada, iyo siday uga fal-celiyaan dhinacyada ku hardamaya awooda siyaasada Soomaliya.

Hal mid waase xaqiiq, haddii uu fashilmo isku dayga Midowga Afrika, arimaha dalkeena meel ka fog ururkan ayaa laga raadin doonaa waayo hadda way dhaaftay Somalida iyo Gobolka oo waxay taagan tahay Urur Qaaradeedka Midowga Afrika.

Ilaahay naguma keenee waxaa laga yaabaa inay u gudubto UN-ka oo ay noqoto qadiyad u taal xalinteeda adduunka oo dhan.

Alloow sidii roon.

Deeq Xusen Bulxan


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading