Puntland oo Somaliya ku matashay Shirka amaanka caalamka

Waxaa Dubai ku qabsoomay Shir looga hadlayey amniga caalamka oo ay Sanad kaan qaban qaabisey Dubai Police ee Wadanka isutagga dalka Imaaraadka Carabta.

Shirkaas arimaha looga xaajoonayay,waxaa ka mid ah…

1.Ka hor tagida danbiyada abaabulan.

2.La dagaalanka argagixisada.

3.La dagaalanka Burcad badeeda.

Somaliya Shirkan,waxaa ku matashay Puntland,iyadoo ay ka qayb galeen Saraakiil ka socday Ciidamada Badda Puntland.

G/lle Maxamed Muuse Cabdulle oo hogaaminayay Saraakiisha ka socday  Ciidamada Badda Puntland PMPF,ayaa kulamo kala duwan si gaar gaar ah ula qaatay Madaxdii kasoo wada qaybgashay Shirka,wuxuuna kala hadlay sida ugu haboon ee looga wada shaqayn karo xoojinta amaanka caalamka.

Shirkaan iyo bandhiga Carwada ah,ayaa socon doona 3-Cisho 05-07-March -2024.

DHAMAAD.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading