Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya oo dantu ku khasabtay in uu aado Maxkamad

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay maanta oo arbaca ah inuu maxkamad aadi doono, isagoo ka doodaya natiijada doorashaddii 8-dii bishan looga guuleystay ee dalkaasi ka dhacday .

Mr. Odinga ayaa u muuqda mid iska indha tiraya soo jeedinta kormeerayaasha caalamiga ah ee doorashada Kenya, oo sheegay in looga guuleystay si xalaal ah.

Ilaa iyo 24 qof ayaa ku dhimatay dibad baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday guusha madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Odinga ayaan weli soo bandhigin caddaymo la xiriira eediisa ku aadan in doorashada lagu shubtay, laakiin waxa uu sheegay inuu maxkamadda horgeyn doono.

Talaabadan uu Raila sharciga ku tiigsanayo, ayaa dhinaca kale culeyska ka qaadeysa shacabka Kenya, oo baqdin ka qabay inay soo cusboonaadaan rabshado doorashada ku xiriira.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading