Hogaamiyaha Sare Ee Iran oo Xanuun la ildaran

Hogaamiyaha Sare ee Iran ayay Wararku sheegayaan in uu aad uxanuunsanayo.

Daawayn usocotay,ayuu ilaa iyo hada kasoo kaban la’a yahay,waxayna wararkii ugu danbeeyay xaqiijinayaan xaalkiisu in uu adag yahay.

Xanuunka Hogaamiyaha Ruuxiga ,ayaa kusoo aadaya xili Iran ay ku jirto iska caabin Israa’iil kala dhaxaysa.

Tan iyo intii ay Diyaaradu la dhacday MW-nihii Iran laguma arag meel fagaaro ah Hogaamiyaha Sare,waxayna wararku sheegayaan in amaankiisa loo baqay oo la qariyay.

Israa’iil,ayaa lagu tuhunsan yahay in ay fulisay Shilkii Diyaaradeed ee MW Iran uu ku Geeriyooday.

Sidoo kale Israa’iil,waxay ku dhex dishay Caasimada Iran ee Tehran hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya.

Iran,waxaa awooda ugu danbaysa iska leh Wadaado xagjiriin ah oo ay umuuqato haatan taladoodu in ay Gabowday oo aysan la jaanqaadi karin isbadalada socda.

Hadii uu Geeriyoodo hogaamiyaha Sare ee Iran,waxaa udiyaarsan badalidiisa Wiilkiisa.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading