Hogaamiyaha Xamaas oo heshiis in uu la galo Israa’iil ku dhow

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden,ayaa sheegay inuu heer gabo gabo ah marayo heshiis ay yeelanayaan Xamaas iyo Israa’iil.

Saacadihii la soo dhaafay, wararku waxay sheegayeen in mas’uuliyiinta Xamaas ay heshiis la galayaan Israa’iil, kaas oo ku saabsan in la soo siidaayo dadkii ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil.

Wadaxaajoodka Labada dhinac,ayaa ka soconayay dalka Qadar, oo heshiiskan dhex dhexaadinayay.

Hogaamiyaha Xamas, Ismail Haniyeh,ayaa sheegay in kooxdiisa ‘ay u soo jawaabeen walaalahooda Qadar isla markaana ay ku dhowyihiin heshiis lagu joojinayo dagaalka’ sida laga soo xigtay warbaahinta Falastiin.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhaka Israa’iil


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading