Hogaamiyayaasha Jubaland iyo Itoobiya Oo kulankoodii ugu horeeyay yeeshay

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa Maanta waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya ee dhawaan la Magacaabay Abiyi Axmed.
 
Kulanka oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada ee itoobiya,ayaa waxaa Madaxweyne Axmed madoobe ku wehlinayay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose Maxamed Warsame Darwiish iyo Wasiirka Cadaalada Dastuurka iyo Arimaha diinta Aadan Aw xirsi.
 
Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Jubbaland sidii loo xoojin lahaa,
 
Labada hogaamiye ayaa saxaafada usheegay in ay si dhow isula Shaqeyn doonaan.
 
Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiyi Axmed,ayaa lagu tilmaamaa hogaamiye dabacsan oo fahansan waaqiciga siyaasadeed ee Geeska Africa.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading