Hogaamiyihii Daacish Somaliya oo lagu dilay Garaacistii Diyaaradaha Maraykanka

Ku-xigeenkii,islamarkaana la aaminsan yahay in uu ahaa Hogaamiyaha Daacish ee xiligan oo Muumin badalay,Cabdiraxmaan Ciise Faahiye,waxaa lagu dilay garaacistii Xalay.

Labadii Todobaad ee udanbeeyay,waxaa Lala socday dhaqdhaqaaqiisa,isagoo ilaa Toban meelood ka guurguuray oo Aaga badashay.

Markii Garaacista lagu fulinayay,waxaa la socday 18-ilaaladiisa ah oo la Geeriyootay,horay,waxaa ula socon jirtay 15-ilaalo ah mar walba.

Faahiye,waxa uu ahaa hogaamiyaha soo saari jiray amarada dhibka badan ee lagu baadi jiray Ganacsatada iyo kuwa lagu layn jiray Haldoorka Bulshada.

Faahiye,waxaa lagu tilmaami jiray in uu ahaa Nin ku dhow Ajaanibta oo aad ugu daran Somalida Qaybta ka ah kooxda argagixisada.

Sidoo kale,waxa uu ahaa Nin Af xun oo si argagax leh ula hadli jiray Dadka.

Waa la xaqiijiyay Dilkiisa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading