Horyaalka Kubada Cagta Puntland oo lasoo gabagabeeyay

Garowe: 05- June – 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta soo xiray Koobka kubadda cagta Naadiyada heerka koowaad ee Gobollada Puntland, isagoo daawaday Ciyaarta kama danbeysta ah Final-ka Koobka oo ay isugu soo hareen Kooxaha HomboboroFC iyo ComsedFC, wuxuuna Koobka guddoonsiisay Kooxda HomboboroFC oo ku guuleysatay Gool-Ku-Laad.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Ciyaaraha, taageerayaasha iyo dhammaan dhinacyadii kala shaqeeyay sidii wanaagsaneyd ee Koobka u qabsoomay.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Kooxda kubadda cagta ee Homboboro FC oo ku guuleysatay Koobka Horyaalka Naadiyada Heerka koowaad ee Puntland, sidoo kale waxaan boggaadinaya Kooxda Comsed oo iyana dadaalay oo galay kaalinta labaad ee tartanka.

Sharaf ayeey ii ahayd inaan ka qeybgalay oo daawaday ciyaartii kama danbeysta aheyd, waana ku faraxsanahay horumarka dhinaca Ciyaaraha ee socda, Ciyaaruhu waa is dhexgal bulsho waxayna ka qeyb qaataan nabadgelyada iyo horumarka bulshooyinka.

Dowladdu muhiimad gaar ah ayeey siisay dhallinyarada , waxaanuna u sameynay Wasaarad gaar u ah arrimaha dhallinyarada iyo Ciyaaraha , waan boggaadinaya Wasaaradda, Xiriirka Ciyaaraha, Kooxaha ka qeybgalay tartanka, taageerayaasha , garsoorka iyo dhammaan dhinacyada ka wada qeyb qaatay Koobka.
Hambalyo“ Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda xiritaanka Koobka naadiyada horyaalka Gobolada Puntland, waxaa kala qeybgalay Madaxweynaha , Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hodan Saciid, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Duqa Caasimadda Garoowe , Xiriirka Ciyaaraha, Lataliyeyaal iyo martı sharaf kale.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading