Howl-gal ka dhan ah Al Shabaab oo Gobolka Hiiraan ka bilaabanaya ( Daawo )

Aadan Cabdi Faarax kala Dire oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Xoogan Dalka Soomaaliya howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka bilaabi doonaan halkaasi

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo shir Jaraa’id warbaahinta Maanta ugu qabtay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan howlgalo ka dhan Al-shabaab laga bilaabi doono deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Xildhibaanka in ay doonayan in Al-shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Hiiraan ay saaraan,isla markaana sheegay Ciidamada ay ku howlgeli doonaan ay yihiin Ciidanka Xooga iyo kuwa Macwiisleyda ah ee ku sugan Gobolkaas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading