Howlgalka QM ee Soomaaliya oo muddo-kordhin loo sameeyay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay u codeeyeen Muddo-kordhin loo sameeyey Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia.

15-ka Xubnood ee Golahaasi waxay isku raaceen in UNSOM muddo 9 bilood loogu kordhiyo xilli hawleedkooda oo ku ekaan lahaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 31-ka August ee sanadkan 2021-ka.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM oo ay u codeeyeen oo Tirsigiisu yahay 2592 waxaa xilli hawleedka cusub ee UNSOM ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka.

Dhinaca kale, Qaraarka waxaa lagu xusay inuu Hawlgalka UNSOM sii wado xiriirinta dadaalada QM iyo inay Iskaashi Buuxda la yeeshaan Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah iyo dhamaystirka Heshiiskii laga gaaray Nidaamka Doorashada ee Somalia.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading